Hot Topics

Erdogan oo umagacaabay Wasiir muhiim ah Wiil Uu sodog u yahay

Madaxweynaha Turiga Erdogan oo ku dhowaaqay golihiisa wasiirada cusub  ayaa u magacaabay  Beraat Albayrak oo ah wiil  uu soddog u yahay Wasiirka Maaliyada.

Golihiisa wasiirada ayaan laga bedelin xilalkooda  Wasiirada Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu iyo  Wasiirka Arrimaha Gudaha  Suleyman Soylu.

Madaxda kale ee xilalka loo  magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Ku xigeen Fuat Oktay halka wasiirada kale ay kamid yihiin hogaamiyaasha ururada aan dowliga ahayn,ganacsato iyo lataliyaal hore.

“Turkiga waxa uu  horumarin doonaa  dhinac walba sida dimuqraadiyada,xuquuqda aasaasiga ah,xoriyada,dhaqaalaha iyo maalgelinada.”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo qudbad ka jeedinayay munaasabbada lagu caleema saarayay oo ka dhacday magaalada Ankara.

Erdogan ayaa loo dhaariyay markale madaxtinimada dalka Turkiga kadib markii uu ku guuleystey doorashada guud ee ka dhacday dhowaan dalka Turkiga