Hot Topics

Madaxweyne Shariif Xasan”AMISOM waa ku fashilmeen isku furida wadooyinka Gobolka”

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan  ayaa Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ku eedeeyay iney ka adkaan waayeen Al-Shabaab walina ay dhibaato badan ka taagan deegaanada Maamulkiisa.

“Ciidamada AMISOM waa ku guul dareesteyn iney isu furaan isticmaalka wadooyin muhiim oo ku yaala deegaanada Koofur Galbeed, Gaar ahaan degmooyinka 3-da Gobal ee ka kooban tahay Koofur Galbeed, meelaha qaar way ka raageyn isticmaalkooda shacabna kuma dhiiran karaan” ayuu yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Hadalkan ayuu ka jeediyay Shalay Baarlamaanka maamulka koofur Galbeed hortooda xili ay halkaasi goob joog ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doortay Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.