Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo oo ka dalbaday Ra’isalwasaare khayre in uu iscasilo

Xalay waxaa kulan socday dhawr saac wada qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isalwasaare khayre.
 
Kulankaas ayaa kusoo idlaaday is afagaran waa xoog leh oo dhexmaray labada masuul.
 
Hadaba idilnews oo xogta kulankaas aad u raadisay,ayay usuura gashay in masuuliyiin xogtooda lagu kalsoonaan karo kana agdhow madaxtooyada ay u xaqiijiyaan is afgaranwaaga ka dhex qarxay Madaxweynaha iyo ra’isalwasaaraha.
 
Madaxweyne Farmaajo waxuu usoo jeediyay ra’isalwasaare Khayre in uu iscasilo dood dheer kadib,madaama xaalada dalku ka hoosayso maalinkii loo magacabaay booskan,sidoo kale siyaasadii dibada ay ka imaanayaan wajigabaxyo isdaba joog ah.
 
Ra’isalwasaare Khayre wuu ku gacansayray dhaliilaha madaxweynuhu soo jeediyay,waxuuna ku adkaystay in xaalka dalku marayo meel hagaagsan waxbadana lagu guulaystay oo la qabtay.
 
Ugu danbayntii labada masuul waxay kusoo kala tageen is afgaran waa salkiisu noqday iscasil iyo iscasili mahayo ee geedkaad gaarto miro ka soo guro.
 
Khilaafka hada qarxay ayaa ahaa mid mudooyinkan danbe soo jiitamay si hoose oo xan ahna lagu helayay.