Hot Topics

Muxuu eersaday Wasiirkii waxbarashada dowlada Fadaraalka Somaliya?

Wasiirkii Waxbarashada dowlada Fadaraalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan,ayaa digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre Xilkii Wasiirnimo loogu qaaday.
 
Wasiirka ayaa sheegay in sixun loo fasiray hadal uu horay u sheegay oo ahaa in Wasaarada Waxbarashada Fadaraalka Soomaaliya aysan aqoonsanayn dhamaan Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho oo ay ka mid tahay Jaamacada Umadda Soomaaliyeed.
 
Wasiirka Waxbarashada ee xilka laga qaaday C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa hadalkaas sheegay ka hor inta aan xilka laga qaadin.
 
Dhanka kale waxaa jira warar kale oo ay helayso warbaahinta idilnews,kuwaasoo tilmaamaya in xilka qaadista lagu sameeyay Wasiirka aysan shaqo ku lahayn hadalkii muranka dhaliyay ee uu jeediyay,balse xilka qaadistan ay ahayd mid sii qorshaysnayd,iyadoo la filayo in uu booskaa buuxiyo Xildhibaan Goodax Barre oo waayahan ahaa taageerayaasha cadcad ee Nabad iyo Nolol,isla markaana Wasiir sugi ahaa.
 
Wasiirka xilka laga qaaday ayay Sxbo mudo dheer ah ahaayeen ra’isalwasaare khayre waxayna xoguhu sheegayaan in loo magacaabayo safiirka Somaliya ee dalka Koonfur-Africa.