Hot Topics

Puntland oo dhankeeda ka diyaarisay Xaafiisyadii Kastamka Tuurdibi Ee D.Goldogob

Agaasimaha hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Kkoofi oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Faderaalka ah, maamulka Gobalka Mudug iyo kan Degmada Goldogob ayaa xariga ka jaray Xafiisyada laanta socdaalka ee Kastamka Tuur-dibi ee Degmada Galdogob.

Xafiisyadan xariga laga jaray maanta,ayaa fududayn doona isku socodka dadweynaha, gaadiidka iyo badeecada labada Dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Puntland,ayaa buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa looga baahnaa hawlgalinta Kastamka Tuurdibi,sidoo kale Dawlada Fadaraalka Ethiopiana,ayaa dhankeenda soo dhamaystirtay dhamaan wixii looga baahnaa.

Kastamka Tuurdibi oo la filayo in uu si buuxda u shaqo bilaabo mudo dhow hadii rabi iidmo,waxuu door muhiimka ka qaadan doona habsami isku socodka Dadka iyo Gaadiidka labada Dal ee itoobiya iyo Somaliya.

Maalmo kahor ayay ahayd markii si rasmi ah loo dhagaxdhigay dhismaha Dekeda Garacad,.

Kastamka Tuurdibbi iyo Dekeda Garacad ayaa noqon doona ilo isku xiran oo waaridi doona ganacsiga xooga leh ee labada Dal.