Hot Topics

Wasaarada arimaha dibada Fadaraalka oo beenisay eedayntii Xeer-ilaaliyaha iyo Hantidhowraha Qaranka

Wasaarada arimaha gudaha Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa soo saartay war qoraal ah oo ay ku beeninayso kuna canbaaraynayso Xeer-ilaaliyaha iyo Hantidhawraha Qaranka.
 
Warka kasoo baxay Wasaarada,ayaa lagu sheegay in uu been abuur yahay warka saxaafada loo qaybiyay ee sheegaya in musuq ka dhacay gudaha Wasaarada,isla markaana mid kamid ah masuuliyiinta wasaarada oo gudanaya waajibaadkiisii shaqo laysku dayay in xoog looga kaxaysto Xaafiiskiisa.
 
Sidoo kale warka kasoo baxay Wasaaaradu waxaa lagu eedeeyay oo canbaarayn dusha looga tuuray Xeer-ilaaliyaha iyo Hantidhawraha Qaranka oo war saxaafadeedka lagu sheegay in ay jabiyeen habka wada shaqaynta hay’adaha dowlada kana gudbeen xaydaabka dowliga ah.isla markaana ay sumcad dil ku sameeyeen masuul qaran oo waajibkiisa gudanaya.
Waxaa muuqata isku dhexyaaca Xukuumada Khayre  hogaaminayo iyo sida aysan iskula haysan ,isla markaana musuq iyo maamul xumo baahsan ay uag dhex jirto.
Maalmaha soo socda ayay wax walba kala cadaan doonaan,balse talaabadan,ayaa calaamad su’aal saaraysa kalsoonida lagu qabi karo hay’adaha xukuumada Fadaaralka ah.
 
Halkan ka akhriso warka kasoo baxay wasaarada arimaha dibada.