Hot Topics

Sagaal Qof oo reer Jabuti ah oo lagu dilay Dirir-dhabe

Ugu yaraan sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sida ay dad goob joogeyaal ah u sheegeen.
 
Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
 
Dhanka kalana wararku waxa ay sheegayaan in dhibaatadu ay u talowday dhinaca dalka Jabuuti halkaasna lagu dhaawacay labo ruux oo Oromo ah, sida uu sheegay talyaha booliiska ee dalka Jabuti Cabdullaahi Cabdi.
 
Taliyuhu wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday.