Hot Topics

Puntland oo ku gacansayrtay waanwaantii IGAD iyo Qaramada Midoobey Ee Colaada Tukaraq

Maalmahan waxaa laysla dhexmarayay in Dowlada Puntland aqbashay waanwaan ay garwadeen ka ahaa urur Goboleedka IGAD.
 
Waanwaanta ay waday IGAD,ayaa salkeedu ahaa dhawr qodob,balse dhamaan waxay ka socon waayeen dhanka Somaliland qodobadaas.
 
IGAD waxay soo jeedisay in Xabbada la joojiyo Puntland waa aqbashay waxayna si cad usheegtay in aysan iyadu duulaan ahayn ee cida soo duushay gardaradana wada ay tahay Somaliland.
 
IGAD waxay soo jeedisay in Somaliland Gambare ku laabato Puntland waa ku qanci wayday soo jeedintaas.waana ku gacan sayrtay.
 
IGAD waxay codsatay in Puntland ay hor fariisato Somaliland shuruud la’aan ,soo jeedintaas way diiday Dowlada Puntland waxaya shuruud ka dhigtay in ay marka hore ka baxdo guud ahaan dhulka Sool.
 
Isku soo wada duuboo xaalada Sool wali Dowlada Puntland waxay ka taagan tahay mawqifkedii,waxaana sii socondoona hawlgalkii dib u xoraynta Sool.
 
Waxaan waxba ka jirin wararkii ay qorayeen warbaahinta qaarkeed ee ahaa in Dowlada Puntland aqbashay soo jeedintii IGAD iyo qaramada midoobey.