Hot Topics

Maxaa kala socotaa qorshihii lagu xiri lahaa Wasiir xigeenka arimaha dibada Ee fashilmay?

Shalay ayay ahayd markii laysku dayay in Xabsiga loo taxaabo Wasiir ku xigeenka arimaha dibada dowlada Fadaraalka Somaliya Mukhtaar oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Waaran Maxkamadeed ayay Boolisku ula tageen Wasiir ku xigeenka mudane Mukhtaar oo markaas Xaafiiskiisa sida caadiga ah ugu gudanaya waajibaadkiisa shaqo.

Wasiirka,ayaa ka hor yimid dalabkii Booliska,waxaana markii danbe isku dhacay ilaaladii Wasiirka iyo Booliskii u yimid in ay xiraan Wasiir xigeenka.

Rabshado yaryar oo xarunta ka dhacay kadib waxaa arinka soo faragaliyay ra’isalwasaaraha xukuumada Khayre oo amar ku bixiyay in la jooji xariga Wasiir ku xigeenka arintana lala sugo isaga inta uu kusoo laabanayo Muqdisho.

Hadaba eedaynta Wasiirka lagu soo eedeeyay in uu lunsaday dhaqaale ay lahayd Wasaarada ayay idil news dabagal ku samaysay.

Waxaan xog raadin hoose ku helnay in aysan jirin wax dhaqaale ah gaar ah oo uu ulunsaday Wasiir ku xigeenka,

Balse dhaqaalaha lagu eedeeyay Wasiir xigeenka in uu lunsaday oo ah lacagta laga uruuriiyo tasdiiqa IWM.ayaa waxaa is toos ah u maamula Wasiirka Wasaarada Mudane Axmed Cawad.

Masuuliyiin ka gaabsaday in aan soo xigano magacyadooda ayaa noo xaqjíijiyeen cida uu ku maqan yahay dhaqaalahaas in ay tahay Wasiirka Wasaarada mudane Cawad.waxayna masuuliyiintaasi cadeeyeen in mar walba oo uu safar ubaxayo uu horay usii qaato dhaqaale xoog leh oo kaasha ah oo aysan ahayn in uu isticmaalo.

Isku soo wada duuboo in Wasiir ku-xigeenka lagu eedeeyo lunsasho dhaqaale loona soo jaro Waaran Maxkamadeed waaxaa la oran karaa waa qorshe la abaabulay oo la rabo in lagu marin haababiyo hay’adaha cadaalada,shacabka Somaliyed iyo Saxaafada madaxbanaan,isla markaana loogu raadgadayo Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Cawad.