Hot Topics

Talyaha guud Ee AMISOM oo ku dhawaaqay hawlgal deg-deg ah

Jen. Owoyesigire ayaa ugu baaqay Ciidamada AMISOM inay la shaqeeyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda ay keligood beegsadaan Al-Shabaab, halka AMISOM ay dhankeeda si gaar ah Al-Shabaab ula dagaalantay, taasoo uu xusay inay wiiqeyso awoodda Ciidamada oo loo baahan yahay inay si wadajir ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Guud ee AMISOM ayaa hadalkan u jeediyay Ciidamada AMISOM qeybta ku sugan magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in Madaxda AMISOM ay bilaabeen inay qiimeyn ku sameeyaan dhammaan xarumaha waa weyn ee Ciidamada ku leeyihiin Gobolada dalka, isla markaana ay xil weyn iska saari doonto ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Hadalkiisa ayaa caddeyn u ahaa wadashaqeyn la’aanta ka dhaxeysa labada ciidan iyo in AMISOM aysan muddooyinkan qaadin weerarada Al-Shabaab, taas bedelkeed lagu soo weeraro Xarumaha Ciidamada.