Hot Topics

Villa Soomaaliya maxaa kaga dhumey/Lumey Jubbaland?

Mashruuca duminta Jubbaland ayaa noqdey kan ay dhaqaalaha ugu badan ku bixiso Villa Soomaaliya inkasta oo aysan wali helin shakhsigii ku guuleysan lahaa fulintiisa.

Kadib shirar badan , weeraro saxaafadeed , kala jabin ciidan iyo taliyaal xamar laga soo magacaabey markii ay waxbo ka qaadi waayeen Dowlad goboleedka Jubbaland oo uu madaxwene Axmed Madoobe ,  Villa Somalia ayaa hadda heshay adeegayaal cusub oo ay ku tijaabineyso inay yoolkeeda ka dhabeyn karaan iyo inkale.

Adeegayaasha cusub ee ay Villa Soomaaliya hadda lasoo shirtageyso ayaa kala ah :-

1-Axmed Nuur Sheekh Maxamed (Mashruuc ) oo ah ninkii uu hoo iyo hiilba lagarab taagnaa Axmed madoobe markii uu ku dhawaaqey maamul la magac baxey bakool sare oo ka biyo diidanaa sad qeybsiga Koonfur Galbeed.

2-Jeneraal Cabdi Mahdi oo uu dhawaan Axmed madoobe u magacaabey la taliyihiisa dhanka Amniga , Cabdi mahdi oo aan laheyn khibrad siyaasadeed oo ku filan ayaa kaliya loo adeegsanayaa qabiil ahaan iyo inay ilmo adeer yihiin Axmed madoobe.

3-Faarax Macalin Dawaaraa oo asagu koox kasta oo ay Villa soomaliya isticmaaleysaba la qeybsada shilimaadka yar ee laaluushka ah.

4-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Oomaar oo noqdey kiyaabo ingiriiska marba dhinac ay u isticmaasho Villa Somalia inkasta oo uusan illaa hadda ku guuleysan shaqooyinkii loo direy ,  haddana Villa Somalia kama samrin inay sii adeegsato maadaama uu aad ugu dhego nugulyahay la dagaalanka ehelkiisa iyo xigtadiisa .

Oomaar waxa uu ahaa ninkii loo soo direy Qalbi dhagax loona sheegey qiimo kasta haku kacdee inuusan qalbidhagax ka hadlin Saxaafadd ama uusan sheegin hadal ku lid ah Dowladda Farmaajo taas oo ugu danbeyn uu ku guul dareystey , Sidookale wuxuu wada hadal la galey xubnihii ugu sareeyey ee ONLF asaga oo ka dalbadey inay Xamar tagaan lana kulmaan Farmaajo , Xubnaha ONLF oo uu ugu sareeyey Xogyaha Guud mudane Maadey ayaa ka biyo diidey dalabka Oomaar ayaga oo  shuruud uga dhigey in uu Farmaajo golihiisa wasiirada Fadhiisiyo ay raali galin buuxda ka siiyaan ONLF iyo shacabka soomaaliyeedba  Qalbidhagax dhiibitaankiisii iyo in ay ka laabtaan go’aankii ay ONLF ugu aqoonsadeen urur argagixiso , dalabkaas ayaa ku adkaadey Oomaar sidookale Farmaajana u cuntami waayey.

Villa Soomaaliya ayaa wada qorshe ah in Jeneraal Cabdi Mahdi oo ay Axmed Madoobe isku hayb yihiin inay u magacowdo ciidanka lugta ee xooga dalka ,  kuwaas oo saldhigoodu uu noqon doono Baardheere maadaama ay ku guuleysan waydey taliyihii cusbaa ee ay usoo magacowdey qeybta 43aad ee xooga dalka , kaas oo kismaayo garoonkeeda laga soo celiyey , taas oo indhaha u furtey Farmaajo ahaydna markii uu Farmaajo xaqiiqsadey awooda ciidan iyo difaac ee uu leeyahay Axmed madoobe ay tahay mid aan la dhayalsan karin.

Oomaar , Mashruuc iyo Dawaaraa oo sadexdooduba kasoo jeedaaan jifo katirsan Ogaadeen ayaa ka dheregsan awooda ciidan iyo tan siyaasadeed ee uu Axmed Madoobe kusoo hagayey Jubbaland 6dii sano ee uu kasoo talinayey,  lakin ayaga oo iska indha tiraya hunguriga iyo laaluushka Farmaajana ka doorbidaya ayay soo wajahayaan tijaabo isbiimeyn ah oo aysan garaneyn Xarash iyo Madax midka uga soo bixi doona.

Villa Soomaaliya oo Jubbaland duminteeda geed dheer iyo mid gaabanba u kortey ayaa dhawaan urur kasoo horjeeda DDSI ka yagleeshey magaalada Diridhawa ee dalka Itoobiya  taageero dhaqaalana ku bixisey ururkaa oo ay uga go lahaayeen in haddii la wiiqo awooda DDSI sidookale awooda Jubbaland la wiiqi karo , Ururkii Diridhawa lagu yagleeley maal iyo maskaxna lagu bixiyey ayaa noqdey hal bacaad lagu lisey kadib markii ay Dowladda Itoobiya si cad u sheegtey in ururka kaliya ee mucaarad ah kana soo jeeda DDSI ay u aqoonsantahay ONLF kaliya wixii wada xaajood ahna ay ayaga kaliya lagali doonto .

Jubbaland ayaa indhaha ka fiirsaneysa isku dayada fashilka kusoo gabagaboobaya ee Villa Somalia ayada oo ay hubaal tahay in aakhirka ay isugu soo uruuri doonto Ragg wuxuu walaalow ku dhaamo la waa.