Hot Topics

Ciidamada amaanka Bosaso oo bilaabay hawlgalo amaanka lagu xoojinayo

Ciidamada amaanka Bosaso waxay hawlgal xoojin amaan ah ka wadaan Magaalada Bosaso.
Guud ahaan Magalaada Bosaso xaafadaheeda kala duwan waxay ka bilaabeen Ciidamadu hawlgalo xoog leh,kuwaasoo ay ku baarayaan guryaha iyo xarumaha ganacsiga.
Ciidamada oo qabqabtay Dad fara badan oo baaris dheer kadib lakala saaray qaybo ka mid ahna lasii daayay,ayaa sidoo kale baro kayntarool oo ay wax ku baarayaan waxay dhigeen wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada.
 
Ilaa iyo hada Ciidamada amaanka waxay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan shaqsiyaad la doondoonayay iyo kuwo iyaguna ku gudajiray falal amni kharbudid ah.
Hawlgaladan waxay ka danbeeyeen kadib markii ciidamada ay soo gaareen xogo amniga khatar ku ah.
 
Bosaso,ayaa lagu dilay todobaadkii hore Maareeye xigeenkii shirkada isgaarsiinta ee Golis.