Hot Topics

Faarax Macalin”Kenya waxay mushahaar joogta ah siisaa Maamulka Jubaland”

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in bil kasta dowladda Kenya ay siiso Jubbaland lacag dhan Hal milyan iyo bar oo dollar ah oo mushaar ahaan loo siiyo Ciidamada Jubbaland.

“Dowladda Kenya waxay bil kasta 1.5 milyan oo dollar siisaa Jubbaland oo mushaar ahaan u siiyo Ciidamada Jubbaland oo gaaraya 7,000 askari”ayuu yiri Faarax Macalin.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamo dheeraad oo ka socda Kenya, Burundi iyo Ciidamo Itoobiyaan ay joogaan Kismaayo, waxaana uu su’aal geliyay sababta Al-Shabaab oo dhan 1,500 askari looga adkaan la’yahay.

Faarax Macalin ayaa si aad ah u mucaarada maamul goboleedyada Soomaaliya, isagoo Madaxda maamulkaas ku qaada weerar afka oo u marsiiyo baraha bulshada iyo warbaahinta kale.