Hot Topics

Video:-Col.Caare oo ku dhawaaqay in uu aas-aasay Jamhad kasoo horjeeda maamulka Muuse Biixi

Ciidamadan,oo sheegay in ay kasoo goosteen Somaliland isla markaana uu hogaaminayo taliye Saciid Cawil Jaamac Caare ayaa sheegay in saldhig laga siiyay deegaanada Puntland .

Madaxda ciidamadan iyo nabadoono ayaa sheegay in waxa ugu wayn ee Somaliland ay uga yimaadeen tahay cadaalad daro baahsan iyo dulmi ka jira deegaanka, Gaar ahaan qaybsiga awoodaha siyaasada iyo dhaqaalaha Somaliland.

Saciid Cawil Jaamac (Caare) oo ahaa Talyihii Ciidamada Milatariga maamulka Somaliand ee Sanaag iyo Gaashanle dhexe Jamaal Baaxad oo ahaa Abaandulihii Ciidamada Somaliland ee Gobolka Sanaag,ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen iney Xoreyn doonaan dhulweynaha Somaliland cadaalad daradana ay suulin doonaan.

Talaabadan ayaa dharbaaxo siyaasadeed iyo mid Milatariba ku ah maamulka Jeegaanta ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi..

Dhanka Puntland ayay u tahay guul siyaasadeed oo ay kaga adkaatay maamulka Jeegaanta, soo goosashada Ciidamadan iyo aas-aaska Jamhad hubaysan oo kasoo horjeeda maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi.

Maamulka Madaxweyne Gaas oo horay ugaga adkaaday maamulka Jeegaanta dagaalkii diblomaasiga iyo saxaafada ayay u tahay tani guul sadexaad oo ay banaanka ku dhigeen maamulka Muuse Biixi

Puntland ayaa isku diyaarinaysa gulufkii ugu danbeeyay ee ay dib gacanteeda ugu soo celinayso Magaalada laascaanood oo in ka badan 8-sano ka maqnayd.

Waxaa fashilmay dhamaan waanwaantii socotay oo gaarsiisnayd ilaa heer caalami,kadib markii maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi diiday wadooyinkii Nabadu ku imaan lahayd,hoos kad aawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka