Hot Topics

Ciidanka Dowlada Fadaraalka Somaliya oo qabtay Askarigii Maydka Xabadeeyay

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda fadaraalka Soomaaliya,ayaa rasaas ku furay Gaari ambulance oo lagu waday meyd qorshuha ahaa in la soo aaso.
Rasaastaas,ayaa waxaa  ku geeriyooday Marxuum kale oo Gaariga la socday kaas oo lagu Magacaabi jiray Marxuum Axmednuur Xasan Xuseen.
 
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka dowlada fadaraalka Somaliya ay gacanta ku dhigeen askariga ka danbeeyey rasaaseynta Gaariga meydka siday.
Falka,ayaa ka dhacay Isgoyska EVECO,oo ku yaalla Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho una dhow Warshadii Taraqa iyo Sigaarka.
 
Inta badan askarta dowlada fadaraalka Somaliya oo ubadan Maleeshiyaad aan tababar iyo nidama lahayn ayaa gayasta falal kala duwan oo amaanka lidi ku ah.