Hot Topics

Video:-Madaxweyne Mustafe oo Jigjiga yimid loona dhaariyay Kursiga

Madaxweyne Mustafe iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo,ayaa maanta soo gaaray caasimada DDS ee Jigjiga.
 
Waftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Mustafe waxaa kamid ah siyaasiga reer Kenya Faarax Macaliin oo ay si weyn ukala fogaayeen Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar
 
Dhanka kale Madaxweyen Mustafe Omar ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay Madaxweynaha Somali State.
 
Baarlamaanka maamulkaas oo galabta kulmay,ayaa cod aqlibiyad leh ku ansixiyay Madaxweynaha cusub,sidoo kale waxay baarlamaanku aqbaleen ka saaridii Xisbiga Dhexe 7-Xubnood.
 
Baarlamaanka Somali State ee galabta fadhi muhiim ah yeeshay,ayaa sidoo kale laalay dhamaan Degmooyinkii uu magacaabay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar xiligiisii ugu danbeeyay.ee 1-dii August.
 
Madaxweyne Mustafe Cumer,ayay Baarlamaanku u aqoonsadeen in uu yahay Xubin sare oo kamid noqonaya Xisbiga talada dowlada fadaraalka itoobiya haya ee EPDRF,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka