Faarax cali Shire waa kuma?WQ.Jibril Qoobey.

Faarax Cali Shire siyaasi qunyar socod ah,leh astaamo badan oo hogaamineed oo loogu hakan karo.
.
Nin Puntland-nimadu ku weyn tahay,degan oo aragti sare leh ayuu ahaa mar aan si toos ah ukulanay dhawr sano ka hor.

Faarax waa mid ka mid ah Raga lagu tuhmayo in ay kursiga Puntland ugu sareeya ay kusoo bixi karaan,marka arimo badan la qiimeeyo.

Faarax maxaan ku aqaan”

Nin Puntland aysan gorgortan uga jirin.

Nin Fadaraalisimku uusan gorgortan uga jirin.

Nin qabyaalada hoose aysan ku weynayn.

Nin maamul yaqaan ah oo aan ceeb lahayn la tilmaamo.

Faarax maxaa khatar ku ah”

Faarax waxaa khatar ku ah olalihiisa iyo hankiisa dhawr arimood oo aan ka xusi karno…

1.Kooxaha lagu tuhmayo in ay saamayn ku leeyihiin oo ugu horeeyo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.,Xayir,Bidhaan Cawad,Cali Xoosh iyo xiriirka hada looga raadinayo kooxda Nabad iyo Nolol.

2.Kooxaha xiligan gacanta ku haya olalihiisa doorasho oo aan ku filnayn in ay Dad badan ukasbaan.

3.Xir-xirnaanshihiisa dabeecadeed iyo kasbasho la’aanta uu sameeyay xiligii uu ahaa Wasiirka Maaliyada.

Isku soo wada duuboo Faarax Cali Shire waa noqon karaa hogaamiye reer Puntland kusoo hirtaan laguna aamino mustaqbalka Umada,balse waa hadii uu ka fogaado khataraha ku wareegsan ee ay bulshadu hada indhaha ku hayso.