Hot Topics

Wasiirka qorshaynta fadaraalka oo magacaabay Xoghaye iyo agaasimaha joogtada ah

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta ayaa waxaa loo magacaabay C/qaadir Axmed Warsame, waxaa xilkaas hayay oo laga qaaday Cabdi Diirshe, waxaana wararku sheegayaan in Wasiirka iyo Xoghayaha xilka laga qaaday aanay in muddo xiriirkooda wanaagsaneyn.
 
Sidoo kale Wasiir Jamaal oo ka mid ah Wasiirada ugu saameynta badan Xukuumadda ayaa waxaa uu Agaasime u magacaabay Asad Yuusuf Afrax oo ahaa La Taliyihiisa, waxaana booska loo magacaabay horay u hayay C/qaadir Axmed Warsame oo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda noqday.
 
Magacaabida Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta ayaa u dhacday qaabka awood qeybsiga beelaha ee Xoghayeyaasha joogtada iyo Agaasimayaasha Wasaaraddaha.
 
Bishii May ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre soo saaray wareegto uu ku farayo Wasiirada in ay ku soo wargeliyaan ka hor inta aanay shaqo joojinta ku sameyn Xoghayaasha Joogtada iyo Agaasimayaasha