Hot Topics

Weerarkii xarunta Nabadsugida Kismaayo oo xal laga gaaray

Kadib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa weerarkii ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland ku qaadeen Xarunta Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ee ku taalla Magalada Kismaayo.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu amar ku bixiyay in  la xiro Ciidamo ka tirsan Daraawiishta jubbalanka oo uu ku sheegay in weerar ay ku qaadeen xarunta Ciidamada nabadsugida jubbland,isla markaana  ay kala baxeyn Askari iyaga ka tirsan,kadiba halkaasi uu ka dhacay dagaal.

Ugu dambeyn waxaa haatan Wararka aan heleyno ay sheegayaan in xal laga gaaray khilaafkii ka dhashay weerarkii lagu qaaday Xarunta Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ee Magalada Kismaayo.