Hot Topics

Video:-Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku dhawaad laba sano kadib Muqdisho kusoo laabtay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo saaka soo gaaray Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay.

Nuxurka qudbaddiisii ayaa waxa ugu weynaa in mudane Xasan uu sheegay in dalka uyimi sidii uu udhageysan lahaa afkaarta dadka, waxa uuna intaa ku daray in guud ahaan dalka uu soo mari doono, “kana shaqeyn doono arrimaha horumarka dalka”.

Xasan Shiikh Maxamuud kama uusan hadlin arrimaha Siyaasadda, waxa uuna ku gaabsaday in uu xoogga saarayo la tashiga dadweynaha  iyo ka shaqeynta horumarka dalka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka