Video:-Maxaa kasoo kordhay Maxkamadayntii Cabdi Maxamuud Cumar?

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa Maxkamadayntiisu wali ka socotaa xarunta dalka itoobiya ee Adis-ababa.
 
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa maanta ka codsaday Maxkamadu in ay damiin kusii dayso,madaama uu xanuunsan yahay oo uu qabo Dhiigkar iyo Gaastiriko.isla markaana uusan wax danbi ah galin.
 
Wali Qaadiyada Maxkamadu go’aan kama gaarin codsiga Cabdi Maxamuud Cumar,sidoo kale lama sadaalin karo waxa ay noqond oonto damiinta lagu sii dayn karo hadiiba Maxkamadu ogolaato.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa Xabsiga lagu sii hayn doonaa 14-ka cisho ee soo soo socota,kadib markay sidaa codsadeen danbibaarayaashu si ay usoo gudbiyaan danbiyadiisii,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka