Hot Topics

Video:-Boobka ganacsatada Somalida Ee South Africa Oo wali sii socda

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in weli halkaasi ay ka sii socdaan boobka lagu hayo goobaha ganacsi ee ay leeyihiin dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto.

Maanta ayaa ilaa iyo sideed dukaan oo ay lahaayeen Soomaali, Itoobiyan iyo Bangaladheesh lagu bililiqeystay meel 120km u jirta magaalada Cape Town.

Qaar kamid ah ganacsatadii hantidooda lagu boobay toddobaadkan magaalada Soweto ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay cadaadis ku saarto xukuumadda Koofur Afrika, sidii ay wax uga qaban laheyd dhaca iyo burburinta loo geystay ganacsigooda.

Dhinaca kalena dowladda Koofur Afrika ayaa sheegtay in ilaa 15 ruux loo soo xiray eedeymo la xiriira boobka iyo dil halkaasi ka dhacay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka