Madaxweyne Mustafe oo hadlay kadib magacaabistiisii Golaha Wasiirada

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in uu ku dadaalayo qancinta qofkaste, balse haddii ay taasi suuragali waydo aan cidna loo qabsanaynin “xagxagashadiisa”.

Madaxweynaha ayaa barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray “Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa bilawgii hanaanka dimooqraadiyadda ee aynu u oomaneeyn”.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay caasimadda Jigjiga iyo deegaanno kalaba ay ka socdaan shirar iyo kulamo ay qabaa’illadu uga arrinsanayaan sidii ay uga dhex muuqaan lahaayeen xukuumadda cusub.

Waxaa jira walaac laga qabo in dadka qaar ay xoriyadda hadalka u isticmaalaan si aan munaasab ahayn.