Hot Topics

Calankii Deegaanka Somalida oo la badalay

Baarlamaanka Maamulka Somalida waxuu maanta ansixiyay qaodobo masiiriya.

Baarlamaanka oo saaka yeeshay fadhi aan caadi ahayn, ayaa waxay ku doorteen afhayeenka baarlamaanka oo loo doortay Cabdi Maxamed Aadan (Ugaas).

Cabdullaahi Siciid Cumar,ayaa isna loo doortay guddoomiyaha maxkamadda guud.

Baarlamaanka waxuu kaloo isku raacay in magaca dawlad deegaanka uu noqdo Dawlad-deegaanka Soomaalida,lagana saaro Itoobiya.

Waxay kaloo isku raaceen in calanka dawlad-deegaanka in uu noqdo mid xagga dambe ku leh xiddigta cad ee shanta gees leh ee ku dhex jirta midabka buluugga ah.

Sidoo kale waxaa magaca Itoobiya laga reebay xisbiga maamula dawlad deegaanka oo hadda ka dib loogu yeeri doono Xisbiga Dimuqaraadiga Shacabka Soomaalida.

Baarlamaanku waxuu kaloo ka dooday ugu danbayntiina usaaray gudi wax ka badalka Heesta Calanka iyo Maalinta fasaxa.

Dhamaan talaabooyinkan waxay muujinayaan ifafaalo wanaagsan oo kusoo hirasho leh,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka