Hot Topics

Hogaamiyihii Daacish Ee Khorasan oo La Dilay

Ciidamada Mareykanka ee jooga dalka Afghanistan ayaa xaqiijiyay in howlgal ay bishi hore ka sameeyeen bariga dalkaasi ay ku dileen hogaamiyihii Daacish ee gobolka Khorasan.

Daacishta Khorasan ayaa ah garabka Daacish ee ka howlgala dalalka Afghanistan, Pakistan iyo dalalka kale ee deriska la ah.

Abu Sayeed Bajaur, oo caan ku ah magaca Abu Saad Orakzai, ayaa noqonaya hogaamiyihii saddexaad ee ka tirsan kooxdani oo ay isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka dileen labadi sano ee lasoo dhaafay.

Ku dhawaaqista dilka hogaamiyaha Daacish ee Khorasaan ee maanta lagu dhawaaqay ayaa kusoo beegantay, xilli taliye cusub oo Mareykan ah uu la wareegay hogaanka ciidamada Nato ee jooga dalka Afganstan.

General Scott Miller ayaa sheegay in qeyb weyn oo ka mid ah ahdaaftiisa ay noqon doonto, sidii uu Afghanstan uga dhigi lahaa goob ka caagan kooxaha argagixisada