Hot Topics

Xaafiiska Madaxweyne xigeenka Puntland oo beeniyay warar laga been abuuray

Xafiiska madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland,Cabdixakiin Xaaji Cumar(Camey) oo aan la xiriiray ayaa gebi ahaanba been-abuur iyo masa-bidasho ku tilmaamay warar laga faafiyay oo tibaaxay in uu ka soo horjeestay War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka madaxda dowlad goboleedyada ee xiriirka loogu jaray Villa Soomaaliya.
 
Xafiiska ayaa sheegay in codad hore oo madaxweyne ku xigeenka Puntland la isku jar-jaray dabadeedna lagu sheegay in uu ka soo horjeestay shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada.
 
Sidoo kale xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa ku hanjabay in ay sharciga la tiigsan doonan cid kasta oo lagu helo been-abuurkaas in ay ka dambaysay.
 
Hadalkan kasoo baxay xaafiiska Madaxweyne xigeenka Dowlada Puntland,ayaa ka danbeeyay ka gadaal markii koox u adeegta Nabad iyo Nolol oo uqaabilsan baraha bulshada ay baahiyeen codad ay isku jarjareen oo uu leeyahay Madaxweyne xigeenka Puntland Eng.Camey.codadkaas oo xiliyo kala duwan kala ahaa ayay ku sheegeen in uu Madaxweyne ku xigeenku kaga hor yimid Warmurtiyeedka kasoo baxay maanta shirka Kismaayo.
Halkan ka dhagayso codka laysku geeyya ee Camey