Hot Topics

Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan oo Alshabaab weerar ku qaadeen

Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Degmada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,ayaa sheegaya in Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) ay jidka u galeen Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha ayaa la tilmaamay in uu ka soo amba baxay Magaalada Balad weyne,isla markaana lagu weeraray xili uu marayay inta u dhaxeeysa Balad weyne iyo Maxaas,waxaana la sheegay in halkaasi uu ku dhexmaray Dagaal Xooggan oo Khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay labada dhinac.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,Yuusuf Axmed Xagar (dabageed),ayaa la sheegay in socdaalkiisa ay ku wehelinayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowlada Fadaraalka hoostaga,waxaana ay ku sii jeedeen Degmada Maxaas,si ay u kala dhexgalaan labo Maleeshiyo beeleed oo Maalmihii la soo dhaafay ku Dagaalamayay Deegaano ku yaalla duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Weerarkan,ayaa kusoo aadaya xili maalinkii shalay ahaa ay Alshabaab qaraxyo xoog leh oo ay ku naf waayeen ugu yaraan 27-qof ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho.