Hot Topics

Video:-Xildhibaanadii Mooshinka oo markale digniin adag udiray Madaxweyne Farmaajo

Waxaa shir jaraa’id qabtay Xildhibaanadii keenay Mooshinka ka dhanka ahaa Madaxweynaha,kuwaasoo udigay madaxweynaha isla markaana hogo tusaaleeyay kuna baaqay in uu wax ka badalo siyaasadiisa una turo dalka oo uu badbaadsho.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in ay Mooshinka ula noqdeen dalka badbaadadiisa iyagoo xeerinaya madaama Duqii dalka ugu weynaa uu durduriyay.

”Dowlada Soomaaliya ee looga fadhiyay ilaalinta shacabka ay maamusho ayaa ku mashquulsan mooshino,siyaasado isdiidan iyo olole lagaga soo horjeedo Dowlad Goboleedyada, halka howshii looga fadhiyay ee lahayd mudnaanta koobaad ahaydna amniga ay Gabtay.”ayay ku yiraahdeen Xildhibaanadu shirkooda jaraa’id.

Baaqa kasoo baxay Xildhibaanada,ayaa ah midkii ugu adkaa ee ka yimaada golaha shacabka tan iyo intii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Xildhibaanada sidoo kale waxuu kusoo aadayaa xili shalay oo kaliya ay magaalada Muqdisho ka dhaceen labo qarax oo aad u xoogan, qaraxyadaas oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 30-qof oo isugu jiray ciidamo katirsan dowlada iyo dad shacab ah.

Shacabka magaalada Muqdisho qaarkood ayaaba cabsi owgeed uga guuray faras magaalaha Muqdisho si ay uga fogaadaan goobaha ay inta badan ka dhacaan qaraxyada, waxa ayna dageen deegaano aysan inta badan qaraxyadu ka dhicin oo Muqdisho ka tirsan.

Shacabka Somaliyed ayaa markan quus ka taagan qaraxyada,waxa ayna shacabku ugu baaqeen dowlada in ay la tilmaado hab lagu bad baadin karo nolosha shacabka maalin kasta sida sahlan lagu gumaadayo.

Halkan ka daawo muuqaalka