Hot Topics

Itoobiya oo safiir heerkiisu sareeyo umagacawday Hargaysa

Dhawaan ayay ahayd markii Itoobiya ay uyeeratay safiirkeedii Hargaysa fadhiyay uguna wakiilka ahaa Somaliland .


Balse markale ayay Dowlada Itoobiya umagacawday Safiir cusub jamhuuriyada la magacbaxday Somaliland.

Safiirka cusub ee itoobiya u fadhiisanaya Hargaysa Shamsudiin


Safiirka cusub ee Itoobiya uga wakiilka noqondoona Somaaliland,ayaa lagu magacaabaa Shamasudiin,kaasoo dalal kala duwan oo caalamka ah kasoo noqday Safiir oo ay ku jirto jamhuuriyda Jabuti.

Tabeelaha safaarada Sl ee Adis-ababa


Itoobiya,ayaa ula macaamiisha Somaliland sidii dal ka madax banaan Jamhuuriyada Fadaraaliga ah ee Somaliya,waxaana Hargaysa u fadhiyay labaatankii sano ee lasoo dhaafay Safiir buuxa oo heerkiisu sareeyo.

safaarada Sl ee Itoobiya


Halka Adis-ababa ay Somaliland ku leedahay Xaafiis heerkiisu sareeyo oo uu ka dul babado Calankeedu,isla markaana gaadiidka safaaradeeda ay qaataan Taargada Diblomaasiyiinta.

Farmaajo iyo abiye Muqdisho


Tan iyo intii la doortay Madaxweyne Farmaajo,isla markaana uu la kulmay isbadalka muga weyn ee ka dhacay hogaamintii iyo qaabayntii siyaasada Itoobiya waxay umuuqatay in xiriirkii Somaliland iyo Itoobiya uu hoos u dhacay.

Farmaajo,Abiye iyo Asiyas


Waxaa muuqatay in ay madaxda cusub ee Itoobiya ay san tixgalin gaar ah siin Hargaysa hoosna u dhigeen,taa badalkeedana ay muhimada ugu weyn siiyeen xiriirkooda Muqdisho.