Hot Topics

Madaxweynayaasha S.State iyo Somaliland oo markii ugu horaysay kulmay

Si buuxda ayay iskugu afgarteen in labada dhinac uwada shaqeeyaan sidii ay horay ugu wada shaqayn jireen madaxdii ka horaysay,Dowlada Somalida ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Itoobiya iyo Jamhuuriyada iskeed isku magacawday ee Somaliland.

Kulanka Togwajaale

Majirin cid dhexdhexaadisay ,sidoo kale ukala dabqaadaysay,iyadoo dhinac walbaaba maqaamkiisa iyo magaciisa lagu tixgalinayo,ayaa hadana laysla gartay in danta Umada dariska ah laga wada shaqeeyo.

Cagjar iyo Biixi Togwajaale

Somaliland iyo Itoobiya,ayaa leh xuduud dheer oo waliba muhiim ah ayna tahay in layska kaashado ilaalinteeda iyo ka faa’idaysigeeda.
Arimaha ugu muhiimsan ee looga xaajooday kulankan,ayaa waxaa laga xusi karaa dhawr qodob oo kala ha:-


B.Arimaha amniga.

T.Arimaha Ganacsiga.

J.Arimaha Socdaalka.

Farmaajo iyo Abiye Muqdisho

Dowlada Fadaraalka Somaliya oo sheegata in ay masuul ka tahay xuduudaha guud ahaan waxii laysku oran jiray Jamhuuriyada Somaliyed,ayaan kulankan waxba laga waydiin,isla markaana go’aamada kasoo baxay aysan wax ganaangal hoose ah ku lahayn.

Keating iyo Biixi Hargaysa

Somaliland ,ayaa 27.sano in ka badan waxay baadigoob ugu jirtaa taageero ay uhesho qadiyadeeda ka go’ida Somaliya inteeda kale,balse ilaa iyo hada wax soo dhaweyn ah kama helin caalamka.