Hot Topics

Dowlada Fadaraalka oo markale fadeexad musuq bartanka u istaagtay

The bank and the Government of Somalia today agreed to a loan of $200million for the rebuilt of Mogadishu port. The bank will have exclusive fishing rights over the coast of Somalia and maintain part ownership of the port untill when the loan has been paid in full”

Sida lagu soo qoray barta Twitter-ka ee Exim Bank China Dowlada Fadaraalka Somaliya waxay heshiis ay la gashay,ay ku siin doonaan dhaqaale gaaraya 200 oo Milyan Dolar.oo lagu dhisi doono Dekeda Muqdisho.

Bankiga bixinaya dhaqaalahan ee ay Dowladu heshiiska la gashay,ayaa asna dhankiisa heli doona ruqsad kaluumaysi oo uu kaga kaluumaysan karo Badda Somaliya,sidoo kale Bankigu waxuu wax ku yeelan doonaa Saamiga Dekeda Muqdisho ee uu dib udhiska lagu samayn doono inta dayntiisa uu ka dhamaysanayo.

Ma xuma in dalka loo helo maalgalin caalami ah,balse waxaa meesha ku jira ee khatarta keenia kara,ayaa ah labo arimood,kuwaasoo kala ah..

1.Heshiiskan oo aan ilaa iyo hada la horkeenin Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Fadaraalka.

2.Heshiiska oo la oran karo dhinac ayuu ka raran yahay oo dhanka Shiinaha,ayaa helaya faa’ido fara badan,maadaama layskugu daray Ruqsad Kaluumaysi iyo Saami Dekeda.ah.

Hadaba markii si taxadar leh loo qiimeeyo heshiiskan,waxuu umuuqdaa mid khatartiisa leh oo Somalidu ku dhacmayso.

Si gaar ah waxaa ku hakasho umudan qaybta ruqsada Kaluumaysi oo aysan cadayn waxa ay tahay ruqsadaas,aaga ay ka kaluumaysan karaan,Nooca ay ay qaadan karaan iyo inta tan ee ay la bixi karaan.

Waxaa fiiro gaar ah ubaahan Shirkada bixinaysa daynta ee dhisaysa Dekeda in ay tahay mid aan ku cusbayn Geeska Africa oo ay hadaba dhisme kawado dalka Kenya,iyadoo dhisaysa Dekeda Lamu waxaana shuruudaha heshiisyadeeda ka mid ah in ay la wareegto Dekedaha ay dhisto hadii daynta la bixin waayo.

Heshiisyada noocaan oo kale ah,waxaa badanaa ka faa’ida shaqsiyaadka heshiiska soo dhameeya iyo masuuliyiinta markaas saxiixa leh,kuwaasoo hela lacagta loo yaqaan xuquuqul qalinka iyo Saami Kaluunka la jariifayo ah.

Dowlada dhexe oo isku muujisa in ay tahay nidaam ka hufan musuqa iyo ku talkri falka hantida qaran,ayaa waxaa si isdaba jooga ah maalmahan usoo baxaya hanti qaran oo ay lunsadeen masuuliyiinta ugu saraysa iyo dhaqaale xoog leh oo lagu takrifalay.

‏