Hot Topics

Video:-Beesha caalamka oo si weyn ucanbaaraysay qaraxyadii Muqdisho

Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad afartan kalena waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo maanta lala beegsaday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, qaraxyada ayaa muddo aanan kala fogeyn ka kala dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka oo aad ugu dhaw madaxtooyada iyo fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Khasaaraha ayaa la sheegay inuu intiisa badani ka dhacay agagaarka Tiyaatarka oo ah halka uu ka dhacay qarraxa hore.

Dadka dhintay waxa ku jira Allaha u raxmadee Wariye Cawil Daahir Salaad oo ahaa saxafi rug caddaa ah, kana tirsanaa telefishanka Universal xafiiskiisa Muqdisho.

Waxa sidoo kale dadka dhaawacmey ka mid ah masuuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaan Warsame Joodax iyo guddoomiye ku xigeenka dhanka nabad amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Dhanka kale beesha caalamka,ayaa si xoog leh u canbaaraysay qaraxyadaas shalay ka dhacay muqdisho.

Dowladdaha Carabta,Yurub, iyo Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga xumaadeen una canbaaraynayaan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Sacuudi ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.