Hot Topics

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Ciidamada Dowlada Fadaraalka oo Xamar ka socda

Wararka anu ka haleyno Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir,ayaa sheegaya in Banaan bax Xooggan oo ay ka soo qeyb galeen Shacabka ku Nool Degmada Yaaqshid uu hadda ka socdo  Halkaasi.

Dadka Banaanbaxa dhigaya  oo iskugu Jira Haween, Dhalinyaro,iyo Caruur, ayaa waxa ay shegeen Banaanbaxa iney uga soo horjedaan Maamulka Degmada Yaaqshid iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmadaasi ka howlgala,kuwaas oo ay tilmaameen iney ku guuldareysteen in Gacanta ay ku soo dhigaan Askarigii ka dambeeyay dil Xalay Xaafadda Fagax ee Degmada Yaaqshid loogu geystay Wiil Bajaaj la ahaa oo ka mid ahaa Dad Degaanka.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Yaaqshid,kaas oo ku aadan Banaanbaxa ka socda Degmada ay ka arrimayaan.