Hot Topics

Video:-Xubin ka tirsanaa Alshabaab oo Dil toogasho ah lagu fuliyay

Maxkamada Darajada koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo ku beegan 24/12/2018 waxa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa Ninkaasi ku eedeysay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada, isla markaana sahmin jiray goobaha ay kooxdu rabaan in ay ka fuliyaan qaraxyada.

Taariikhdu Markay ahayd 30/11/2017, Maxkamada   Ciidamada Qalabka Sida waxay markii saddexaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed 41 jir ah ina Shoobto Shaacir ku dhashay Xamar, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ku soo eedeeyey in uu ka tirsanaa Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada, isagoo sahmin jiray goobaha ay kooxdu rabaan in ay ka fuliyaan qaraxyada, sidoo kalena baabuurta laga soo buuxiyay qaraxyada gayn jiray goobtii uu soo sahmiyay si loogu qarxiyo, waxaana ka mid ahaa goobihii la qarxiyay ee uu soo sahmiyay.Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017, Qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 10ruux, kuna dhaawacmeen 17ruux oo kale.

Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, wuxuu geeyay Baabuur Saaruf ah oo ay ka buuxaan walxaha qarxa Maqaayad kasoo horjeeda Wasaarada sportiga agagaarka xaruntii wasaarada Amniga, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen 9ruux, kuna dhaawacmeen 10ruux oo kale.

Sidoo kale wuxuu soo sahmiyay Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 7Ruux kuna dhaawacmeen 11Ruux oo kale.

, taariikhdu markay ahayd 15/5/2017., ciidamadu amnigu waxay ku qabteen C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed isagoo wado gaarigii qaraxa ahaa ee ku qarxay Degmada X/wayne gaar ahaan EX. Eenaayo.

Taariikhdu markey ahayd 06/12/2017 Dembiile Shabaab C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah .

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/12/2018 waxaa lagu fuliyay Xukunkii dilka toogashada ahaa

Halkan ka daawo muuqaalka