Hot Topics

Video:-Abiye oo dhistay Ciidan ilaalo gaar ah oo aad utababaran

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo ay weheliyaan saraakiisha ilaalada amaankiisa iyo sidoo kale kuwa xaafiiskiisa,ayaa tababar usoo xiray Ciidan ka tirsanaa miltariga,balse hada loo raray Ciidan cusub oo loo bixiyay (Ciidanka Difaaca).

Ciidankan oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin cadadkooda,ayaa qiyaas ahaan lagu tilmaamay 400 ilaa 500 oo askari si adag oo casri ahna loo tababaray.

Ciidanakan waxay si khaas ah u ilaalin doonaan madaxda sar sare ee dalka,gaar ahaan Xaafiiska Ra’isalwasaaraha,hoygiisa iyo xarumaha kale.

Ra’isalwasaare Abiye ayay Ciidamadu usoo bandhigeen awooda ay u leeyihiin iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay difaacaan madaxda dadka iyo dalka.

Ra’isalwasaare Abiye waxuu ka badbaaday dhawr isku day oo la qorsheeyay in lagu khaarajiyo.

Dhisida ciidankan loo yaqaan (Protectin Forces) waxay xaqiijinaysaa amaanka ra’isalwasaare Abiye,isagoo kalsooni xumo ka qaaday ilaaladii hore.

Halkan ka daawo muuqaalka