Hot Topics

Gudoomiyihii Degmada Yaaqshid oo xilkii laga qaaday

Guddoomiyihii Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow) ayaa la sheegay in lagu sameeyey shaqo joojin ka dib amar ka soo baxay Maamulka Gobolka.

Axmed Maxamed Xasan (Geedow) ayaa waxaa lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo wax isdaba marin sida ku xusan qoraalka shaqada looga joojiyey oo soo baxay 23-ka December oo shalay ku beegneyd.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa la sheegay inuu soo saaray qoraalka shaqada looga joojiyey gudoomiyaha degmada Yaaqshiid.


Sii-hayaha xilka gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa waxaa si KMG loogu magacabay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi Maxamed Deeq.

Labo bilood ka hor ayey aheyd markii maamulka gobolka Banaadir uu sidan oo kale shaqo joojin ku sameeyey gudoomiyihii degmada Xamar weyne Cumar Shariif Jeeg, sidoo kale gudoomiyihii degmada Shingaani ayaa isna laga fariisiyey dhowaan sababo lagu sheegay maamul xumo.