Hot Topics

Video:-24-Musharax oo umidoobay ridida Madaxweyne Gaas

Dhowr iyo Laabatan ka mid ah Musharraxiinta Puntland oo Garowe shir ku yeeshay,ayaa shir jaraaid oo ay qabteen kadib kulankooda waxay ku sheegeen in ay isku raacen in si wadajir ah ay uga hortagaan Musuq-maasuqa doorashada,sidoo kale ay umidoobaan iisabadal ka dhalinta hogaanka Puntland.

Musharraxiiintan waxay ka digeen faragalin lagu sameeyo doorashada Puntland jiho walba oo ay ka timaado.inakstoo aysan tilmaamin halka ay ka imaanyso faragalintaas.

Musharraxiinta 24-ka ah waxay ku baaqeen in la tago goobaha fagaarayaasha ah, si su’aalaha dadweynaha looga jawaabo loogana qayb-galo Doodaha furan,loona qanciyo Dadweynaha.

Musharaxiinta soo saaray baaqan marka laga reebo dhawr musharax waxay ubadan yihiin kuwa lagu xanto in aysan dhab ka ahayn raadinta kursiga ugu sareeya ee Puntland,balse ay u ordayaan xilal dhexe,intooda badana ay ka tanaasuli doonaan musharaxnimadooda saacadaha ugu danbeeya.

Sidoo kale waxaa muuqata in walwal xoog leh soo foodsaaray musharaxiinta,kaasoo ay ka qabaan saamaynta Madaxweynaha talada haya oo xiligan laysla dhexmarayo in uu gacanta ku dhigay tiradii ugu badnayd ee Xildhibaanada cusub ah,hoos ka daawo muuqaalka

Halkan ka daawo muuqaalka