Hot Topics

Video:-Garowe oo yeelanaysa Afar Wado oo cusub

Duqa caasimada Puntland ee Garowe oo shir jaraa’id uu qabtay,ayaa ku sheegay in ay dhawaan bilaabayaan dhismaha 4-wado oo dhexmara Magaalada.

Duqa,ayaa yiri”Wadooyinkaas dhimsahoodu dhawaan ayuu bilaabanayaa,waana soo dhamaatay waa noo farxad ,,waxaa ku guulaystay shirkada Turkiga ah ee dhistay wadada Warshadahadhawaan ayaana uqaban doonaa munaasabad aan ugu saxiixayno qandaraaska.”.

Sidoo kale Duqu waxuu sheegay in ay Magaalada ka bilaabi doonaan olalae lagula dagaalamayo bacaha,isla markaana bilicda kor loogu qaadayo.

Ahmed Siciid Muuse Duqa caasimada waxuu kaloo ku dhawaaqay olale loogu beerayo Magaalada Dhir,kaasoo loogu bixiyay ”Hal Geed iyo Hal Qof”

Garowe waxay kusii siqaysaa in ay noqoto mid ka mid ah caasimadaha ugu bilicda san guud ahaan Somaliya,iyadoo horay caan ugu ahayd amni laysku halayn karo,hooska daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka