Hot Topics

Madaxweynaha Suudaan oo loogu baaqay in uu iscasilo

Ururada shaqaalaha iyo dadka u oleelaya bulshada rayidka ee dalka Suudaan ayaa ku baaqay dibadbaxyo loo wada dhan yahay oo lagu codsanayo inuu iscasilo madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir.

Dadkan waxay codsanayaan inuu xilka ka dego madaxweynha isla markaasna la sameeyo dowlad kumeel gaar ah.

Waxay qorsheynayaan inay dibadbaxyo ka dhigaan agagaarka xarunta madaxtooyada ee magaalada Khartuum.
Dhaqaatirta Suudaan ayaa Isniintii dibadbaxyo ka dhigay dalkaasi, waxayna ka qeyb yihiin dadka ka careysan qiimaha shidaalka iyo rootiga oo sare u kacay.
Isniintii, madaxweyne Cumar Al Bashiir ayaa ballan qaaday inuu isbaddallo dhab ah sameyn doono isla markaasna uu wax ka qaban doono nolosha dadka reer Suudaan.

Wuxuu madaxweynaha ka digay tallaabooyinka khalkhalga horseedi karo.
Dalka Suudaan waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday bannaanbaxyo ay dadweynaha kaga soo horjeedaan qiimaha rootiga iyo shidaalka oo sare u kacay.


Waxaana dibadbaxa ku dhintay tiro dad ah.