Jubaland oo diyaar garoobaysa hawlgal ka dhan ah Alshabaab

Madaxweyne Axmed Maxamed islaan oo maalmahan ku sugnaa Dalka Kenay,gaar ahaan caasimada Nairobi,ayaa halkaas kawada kulamo isdaba joog ah oo ku aadan intooda badan hawlgalka sifayanta argagixisada ee sanadka cusub.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu la kulmay,Masuuliyiinta ugu saraysa Dalka Kenya,saraakiil ka socota Wasaarada Gaashaandhiga kenya iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkaas fadhiya.

Qorshaha ugu weyn ee Madaxweynuhu utagay Nairobi,ayaa ah sidii loo dardargalin lahaa hawlgalka sifaynta argagixisada.

Guud ahaan kulamadii uu la qaatay Madaxweynuhu masuuliyiinta kala duwan waxaa kasoo baxay go’aamo wax ku ool ah,.

Sanadka cusub waxay jubaland udiyaar garoobaysaa hawlgal balaaran oo lagu sifaynayo argagixisada wali gacanta ku haysa dhul balaaran oo ka mid ah Jubaland.

Hawlgalkaas,waxaa iska kaashanaya Ciidamada Jubaland,kuwa AMISOM iyo Maraykanka.