Hot Topics

Maxaa kasoo baxay kulankii Gudiga joogtada Ee Aqalka-sare?

Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda magaaladda Muqdisho.

Guddiga ayaa war bixin ku aadan safaradii guddoomiyaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ee Magaaladda Kismaayo iyo dalka Turkiga oo looga hadlayay arrinta falastiin kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay ilaa 70-dal.

Kulanka maanta waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana kulanka looga hadlay ansixinta hadal qoraalkii fadhigii 10-aad ee guddiga joogtada ah iyo diyaarinta ajendaha kulanka 13-aad ee golaha Aqalka sare.