Hot Topics

Laftagareen Oo la wareegay Xaafiiskii Shariif Xasan

Laftagareen oo hanaan ay Dowlada Fadaraalku dabada ka riixaysay loogu doortay Madaxweynaha Koonfur-Galbeed,ayaa maanta xilkii kala wareegay.


Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Shariif Shiikhunaa oo xilka Madaxweyne sii haye sii ahaa kadib markii uu iscasilay Madaxweyne Shariif Xasan,ayaa xilka ku wareejiyay maanta.


Munaasabada xil wareejinta,waxaa kasoo qaybgalay Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale oo lagu casumay mana jirin wafuud beesha caalamka,madaxda Dowlada Fadaraalka iyo madaxda Dowladaah xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya ka socda oo goob joog ka ahaa,taasoo cadaynaysa sida loo saluugsan yahay doorashadii uu kusoo baxay Laftagareen.


C/ Casiis Xasan Mohamed Lafta gareen oo doorashadii lagu doortay ay ahayd mid looogu shubay lagana qabtay musharaxiintii khatarta ku ahaa sida Mukhtaar Rooboow,ayaa ah siyaasi xilal kala duwan horay usoo qabtay laguna tilmaami karo masuul xaalka dalka ka warqaba.


Doorashadisii kadib Lafatagreen waxuu sheegay in talaabada ugu horaysa ee uu qaadayo ay tahay dib u heshiisiin,taasoo Dad badani ay soo dhaweeyeen.


Maamulka Koonfur-Galbeed,waxaa horyaala caqabado fara badan oo ay ugu horeeyaan xaaladaha amniga iyo kala qaybsanaanta qabaa’ilada Deegaanka.