Hot Topics

Dowlada oo dhisatay Gudi Maaliyadeed Oo taageersan

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta doortay Guddoon cusub, kaddib markii laga saaray xubnihii Guddoonka guddigaas.

Kulan xubnaha Guddiga ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda loogu doortay Maxamuud C/llaahi Siraaji, halka Guddoomiye kuxigeen loo doortay Aamino Sheekh Cali, waxaa Xoghayaha Guddiga loo doortay Aadan Cali Xasan.

Xubnaha Guddiga Maaliyadda iyo Guddoonkooda cusub ayaa laga sugayaa inay 30ka bishan horgeeyaan Baarlamaanka Miisaaniyadda Sanadka 2019, waxaana la filayaa isla maalintaas cod loo qaado, lana ansixiyo Miisaaniyadda.

Guddoonkan cusub ayaa sida muuqata taageersan Xukuumadda, maadaama xubnaha laga saaray Guddiga ee Guddoonka ahaa ay ahaayeen kuwii hormuudka u ahaa warbixinta musuq maasuqa ee Xukuumadda lagu eedeeyay inay wax is daba marin ku sameeyeen Miisaaniyadda Sanadka 2018.