Hot Topics

Video:-Jubaland oo bilaabaysa hawlgalka sifayanta Alshabaab

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ayaa booqday Saldhiga Ciidanka Daraawiishta ay halkaas ku leeyahiin.


Madaxweynaha ayaa halkaas kulan kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Maamulka Deegaanka isagoo u kuur galay baahiyaha halkaas ka jira iyo sidii deegaanada ku dhow looga xorayn lahaa kooxda Al-Shabaab.

Daraawiishta Jubaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe


Madaxweynaha oo kulankaasi kadib la hadlayay ciidamada ayaa sheegay in muddo dheer ay wadeen qorsheyaal loo dhanyahay oo la doonayo in lagu xoreeyo dhulka ay Shabaab maamulaan ee Jubbaland, kuwaa oo uu xusay in ay kusoo koobmeen hadal oo qura.


Waxa uu sheegay in hadda ay doonayaan in ay sameeyaan isku tashi, oo ay dagaalka bilaabaan ayagoo kaashanaya ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in aysan cidna ka sugeyn in ay dhulkaasi xoreeyso.

Daraawiishta Jubaland


“Howlgalkan wuxuu noqonayaa mid dhab ah oo aan bilaabeeyno, in badan baan ka hadalnay howlgal, laakiin maanta aan ku talo galeeyno in aan isku tashanno,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Axmed Madoobe jiida hore


Waxa uu ciidamada faray in ay u diyaargaroobaan howlgalladan, isagoo sheegay in ay kaashan doonaan ciidamada AMISOM, ayna ka go’antahay in howlgallada la bilaabo isagoo sheegay in ay dhaqaaqi doonaan xitaa haddii ay noqoto in ay keligood noqdaan.


Dhinaca kale, magaalada Kismaayo iyo guud ahaan degmooyinka kale ee Jubbaland ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ku aadan howlgallada ka bilaaban doona Jubbaland.


Midowga Africa,ayaa ku dhawaaqay hawlgal lagu xoraynayo dhulka Alshabaab gacanta ku hayso ee guud ahaan Somaliya sanadka cusub in ay bilaabayaan,iyadoo xogo laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in qorshaha hawlgalkaas ay dabada ka riixayso Dowlada Dhexe. ee Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka