Hot Topics

Video:-Imaanshaha Garowe Ee Faroole oo wal wal laga muujiyay

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo kusoo laabtay Garowe,ayaa sheegay in uusan ahayn musharax utaagan kursiga ugu sareeya.

Faroole waxuu yiri”Anigu waa soo laabtay waxaana ka imid Nayrobi oo aan ujoogay dano ii gaar ah,hadaan garowe imid caasimada Puntland oo aniga ii ah wax gaar ah Somaliyana u ah,Hooyadii nidaamka Dowladnimo ee dalka”

Faroole oo hadalkisii sii wataa waxuu sheegay in Nidaamkii Fadaraalka uu hada xoogaysatay oo waagii hore Puntland kaliya meeshay uga taagnaan jirtay ay hada Somalidii kale uga horayso ,waliba kuwii diidanaan jiray oo la eedayn jiray ay hada difaacayaan.

Dhanka Doorashada Puntland ayuu sheegay in uu xog urursan doono kadibna waxa kaga aadan ka oran doono maalmaha soo socda.

Faroole ayaa muuqaalkiisu ka duwanaa siduu ahaa sanadihii udanbeeyay,waxaana ka muuqatay soo kabasho,inkastoo hadaladiisii looga bartay ay siyaado ku ahaayeen xoogaa faan ah oo aan horay loogu aqoon.

Dad badan,ayaa walwal ka muujiyay imaanshihiisa,iyagoo u arka in uu fidno ku noqon karo hawlaha socda,halka dad kalana ay soo dhaweeyeen.

Madaxweyne Faroole oo ah mid ka mid ah Madaxweynayaashii Puntland soo xukumay,isla markaana ah Sideetan jir xog ogaal ah waxbadana usoo taagnaa,ayaa hoos waxaa u dhacay sumcadiisa iyo kalsoonida bulshada uu ku dhex lahaa kadib markii ay isku xig-xigeen dhawr dhacdo.

Doorashadii Madaxweyne ee Fadaraalka,Tartankii uu la galay Cabdiqaybdiid,raadintisii in loogu magacdaro garoonka diyaardaha Garowe iyo hadaladiisii dagaalka Tukaraq dhamaan waxay ahaayee kuwo aad u wax ugaarsiiyay sumacadiisa,

Lama qiyaasi karo in uu xiligan xasaasiga ah qaadan doono door shariif ah oo Oday tinimo sidii Madaxweyne Cadde iyo Cabdullaahi Yuusuf rabi ha uwada naxariistee.oo uu yareeyo saamaynta Wiilkiisa la rumaysan yahay in uu siiyo talada uu ku lumay.

Halkan ka daawo muuqaalka