Hot Topics

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Rw Abiye oo is khilaafsan

”Is Badalka Uu Wado Prime Minister Dr abiye Ahmed Cid Walba oo Isku Dayda Inay Caqabad Ku Noqoto Wa Inaan Shacabka Ka Qabanaa. Is Badalka Aan Ku Samaynay Hogaminta Liyuu police Iyo midka Aan Maalmaha Nagu so Wajahan Ku Samayn Doono Maamulka DDS Wa waajib Anaga Na Saaran. SI Ay Dadka Shacabka Ah Uhelaan Hogaamin Dhan Walba Ka Dhamaystiran”

Hadalkan waxaa bartiisa fc-ga soo dhigay Wasiir Shido.

Lama garan karo isbadalka uu sheegayo heerka uu gaarsiisan yahay,balse shaki ayaa soo baxay tilmaamaya in Dowlada Dhexe ay wax ka badal markale ku samayn doonto hogaanta Deegaanka Somalida,iyadoo uu jiro khilaaf dhexyaal Abiye iyo Cagjar oo sii xoogaysanaya maalinba maalinta kasii danbaysa.

Khilaafka Abiye iyo Cagjar,ayaan cadayn karin halka uu salka ku hayo iyo waxa sababay.

Dadka la socda siyaasada Deegaanka waxay tilmaamayaan in ay suurtagal tahay in Madaxweyne ka socda Jamhada dhawaan soo xarootay ee ONLF uu talada qabto oo uu badali doono Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Isku soo wada duuboo wali xaalada Deegaanka Somalidu ma caga dhigan.hadalka Wasiir Shido waa mid wata hanjabaad iyo digniin muujinayana isbadal baaxad weyn oo soo socda.