Hot Topics

Diyaardaha Srael oo weeraray ku qaaday gudaha Siiriya

Ruushka ayaa cambaareeyey duqyemo ay diyaaaradaha dagaalka Israel ka gaysteen meel ku dhow magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya.

“Ficilladan daan-daansiga ah ee ciidamada cirka Israel waxa ay halis geliyeen labad diyaarad oo rakaab ah” waxaa sidaas tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka.

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in duqeymaha Israel lala beegsaday bakhaar rasaasta lagu kaydiyo, laguna dhaawacay saddex askar. Israel weli ma aysan xaqiijin weerarkan.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Ruushka, Igor Konashenkov ayaa sheegay in lix ka mid ah diyaaradaha F-16 ee Israel ay “weerar daan-daansi ah” billaabeen xilli laba diyaaradood oo rakaab ah ay isku dayayeen inay cago dhigtaan garoomada diyaaradaha Dimishiq iyo Bayruut.

Wasiirka ku-meel gaarka ee gaadiidka Lubnaan Youssef Fenianos ayaa xaqiijiyey warka Ruushka, waxaana uu sheegay in labada diyaarad ee rakaabka ah ay ku jireen hawada Lubnaan, ayna si dirqi ah uga baxsadeen diyaaradaha dagaalka Israel.

Israel ayaa marar badan weerar ku qaadday Suuriya ayada oo beegsaneysa ciidamada Iran ee dalkaas ku sugan. Israel ayaa ku eedeysay Iran inay Suuriya ka dhiganeyso saldhig milatari, taasi oo halis gelin karta ammaanka Israel.

Weerarka Israel ayaa yimid maalmo kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaca ka qaaday in ciidamada Mareykanka uu kasoo saarayo Suuriya.