Hot Topics

Beyle iyo Gudigii maaliyada Ee Dowlada taabacsanaa oo kulmay

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BFS, kuwaas oo shalay uun dib u habeyn lagu sameeyay.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddiyada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa shir Guddoominayay Maxamuud Siraaji oo Shalay loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Si rasmi ah looma oga waxyaabaha ay kawada hadleen, ha yeeshee wasiir Beyle ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray,

“waxaan maanta kulan looga hadlayo dar-dargelinta Howlaha Maaliyadda la yeelanay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliya, waxa uuna ku soo dhamaaday Guul iyo isfaham”.

Guddoonkan cusub ayaa sida muuqata taageersan Xukuumadda, maadaama xubnaha laga saaray Guddiga ee Guddoonka ahaa ay ahaayeen kuwii hormuudka u ahaa warbixinta musuq maasuqa ee Xukuumadda lagu eedeeyay inay wax is daba marin ku sameeyeen Miisaaniyadda Sanadka 2018.