Hot Topics

Jaaliyada Puntland Ee Maraykanka oo taageertay musharaxnimada Madaxweyne Gaas

Jaaliyada Puntland ee cariga Maraykanka waxay umuujisay Madaxweyne Gaas garab istaag xoog leh .

Xafad si heer sare ah loosoo abaabulay ayna kasoo qaybgaleen guud ahaan qaybaha bulshada,ayay kusoo bandhigeen taageerada ay u hayaan dib isu sharixida Madaxweyne Gaas ee kursiga Madaxtooyo Puntland.

Jaaliyada Minisota

Dhamaan haldoorkii xaflada ka hadlay waxay ku dheeraadeen waxqabadkisii mudadii uu xilka hayay,waxayna ka midaysnaayeen sida ay muhiim ugu tahay dib u doorashadiisa horumarka Puntland.

Jaaliyada minisota

Masuuliyiinta,Culumada,Abwaanada ,dhalinyarada iyo Ururada haweenak ee kasoo qaybgalay xaflada lagu garab istaagay dib isu sharixida maadxweyne gaas waxay ka dalbadeen Golaha Baarlamaanka ee cusub in ay udooraan bulshaweynta Puntland hogaamiyahaaas la tijaabiyay.

Fanaaniinta Minisota

isku soo wada duuboo waxaa muuqata in bulshada reer puntland gudo iyo dibadba ay maqsuud ak yihiin dib isu sharixida madaxweyne Gaas.

jibril Qoobey.