Hot Topics

Video:-Maxaad ka taqaan Taariikh Nololeedka Madaxweyne Gaas?

Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) waxa uu1965-tii ku dhashay Gobolka Mudug,

Gaas, waxa uu 1969-1979-kii ka dhiganayay Dugsi Hoose, Dhexe & Sare magaalada Dhuusa Mareeb ee Galgaduud, Soomaaliya.

1980-1984-kiina, Heerka 1-aad ee Jaamacadda ayuu Jaamacadda Ummadda (SNU), Kuliyadeeda Dhaqaalaha, Muqdisho, Soomaaliya ka baxay. 1986-1988-kii, waxa uu Heerka 2-aad ee Jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Vanderbilt, NshvilleTennessee, Mareykanka

Halka uu markale1998-2000-dii Heerka 2-aad ee Jaamacadda ka qaatay Dugsiga Kennedy ee Dowladda oo ka tirsan Jaamacadda Harvard University Cambridge ee Dalka Mareykanka.

Sanadkii 1999-kii, ayuu Gaas ka qaatay Shahaado ku saabsan Barnaamijka Caalamiga ah ee Canshuurta Jaamacadda Harvard University Law School Cambridge ee dalka Mareykanka, waxaana uu1998-2000-dii qaatay Heerka 3-aad ee Jaamacadda (Ph.D.).

1996-1999-kii waxa uu Jaamacadda Harvard University Cambridge, MA ay u tababareysay Macalinimo.

1993-1998-kii uu Caawiye Macalin ka ahaa Northern Virginia Community College Alexandria, VA.

2000-2003-dii waxa uu Caawiye ka ahaa Mashruuc Saadaalineed.

2000-2001-dii uu ahaa Lataliyaha Guddoomiyaha Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Gaas waxa uu 2003-2010-kii ahaa Bare ka tirsan Jaamacadda Niagra, Newyork, ee waddanka Mareykanka.

Ssidoo kale sanadihii 2005-2008-dii ayuu Lataliye uga ahaa UNDP Somaliya.

Sidoo kale Somaliya. 2010-2011-kii waxa uu Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ka ahaa Soomaaliya Reysal Wasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga ah.

2011-2012-kii ayuu noqday Reysal Wasaaraha Dowladii Fadaraalka Kmg ahayd ee Soomaaliya,kadib Hishiiskii Kampala (Kampala Accord).

2014-2019-kii,ayuu ahaa Madaxweynaha Dowlada Puntland ee xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Waxuu usharaxan yahay markale Madaxweyne Gaas 5-ta sano ee soo socota kursiga Madaxtooyo.

Jibril Qoobey.